Published On: Sun, Dec 25th, 2016

Soomaaliya oo noqotay Dowladdii ugu Horeysay ee Diblumaasiyiinteeda u Rarta Magaalada Caddan


Madaxweynaha Dalka Yaman  Cabdi Rabbi Mansuur Haaddi ayaa shalay warqadaha qoonsiga ka guddoonmay safiirka Soomaaliya ee dalka Yaman  Cabdullaahi Xaashi Shuuriye  oo si rasmi ah ugu shaqeyn doona  magaalada Cadan ee dalka Yaman oo ah caasimadda Kmg ah ee  Dowladda dalkaasi.Arrintaan ayaa waxa ay ka dambeysay markii Caasimadda Sanca ay qabsadeen kooxaha Xuutiyiinta ee  la dagaallamaya dowladda, taas oo keentay in diblumaasiyiintii ay isaga baxaan dalka Yaman.

Madaxweynaha Yaman waxa uu dowladda  Federaalka  Soomaaliya ku ammaanay Go,aanka geesinimada leh ay diblumaasiyiinteeda ugu Rartay Magaalada Cadan Dowladaha kale  ayuu ugu baaqay in ay qaadaan ay Tallaabada Dowladda Soomaaliya oo kale.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300