Published On: Sun, Dec 25th, 2016

Milatariga Nigeria oo la wareegay koobihii ay heysteen kooxaha Mucaaradka


Madaxweeyne Maxamedu Buhaari ayaa waxaa uu sheegay maalintii shalay ahayd  meelihii ay haaysteen kooxda argagixisada ah ee Boko Haraam ee Waqooyi Bari dalka Nigeria keynta ku taal ee Sambiisi ay xoog uga saareen militeriga dalkaasi Nigeria .Buhaari ayaa intaa ku daray haddii ay xaqiiq noqoto tani in laga qabsaday meelihii ay ku sugnaayeen kooxdaasi Boko Haraan ay noqonayso dhirbaaxo ku ddhacday kooxdaasi, waxaa kale oo Militeriga Nigeria ay dedaal ugu jiraan sidii ay u soo qaban lahaayeen hoggaamiyayaasha kooxdaasi Boko Haraam.

Olole balaaran oo ay qaadeen militeriga Nigeria ayaa waxay ku sameeyeen baaritaanno baaritaanno  dhul baaxaddiisu la eg tahay 1300 Km oo isku soo wareeg ah.

 Madaxweyne Buhaari ayaa ku guubaabiyay militeriga dalkiisa in ayan ka harin koxdaasi naf la caariga ah oo marba meekl ku dhuumaneeyso, waxaa kale oo uu ku dhiirri geliyay in ay soo qabtaan haddii ay siirtoobeeyso oo nolol ay ku heli karaan dadkaasi fallaagoobay ee hawl ka dhigtay in ay gawracaan dadka sidii xoolihii si logu maxkamadeeyo dambiyadii ay ka galeen dadka iyo dalka Nigeria.

Sanadii 2015ka ayaa ahayd markii dowladda dalkaasi Nigeria ay sheegtay in farsamo ahaan laga adkaaday kooxdaasi Boko Haraam, oo awooddii ay kooxdaasi lahayd la kala dhantaalay oo aanay lahyan raggannimo ay meel ku qabsadaan.

Hawlgalaadii ay ciidanka Nigeria kaga xorreeyeen kooxdaasi ayaa waxaa  u hambalyeeyay Madaxweyne Buhaari, guushii ay ka gaareen kooxda Boko Haraam.

Khilaafka Todoba sano jirsaday ee u dhaxeeyo dowladda iyo Kooxdaasi ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaray ilaa shan iyo toban kun oo qof, iyadoo ay ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300