Published On: Sat, Dec 24th, 2016

(Warbixin + Sawirro):- Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen Erag oo kormeeray Booliska Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug.


Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo Howlo shaqo u jooga Gobalka Mudug ayaa Maanta kormeeray Booliska ku sugan Deegaannada Beyra,Bursaalax iyo Degmada Galdogob oo ka wada tirsan  Gobalka MudugTaliyaha Booliska Puntland Jen.Erag ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Mudug iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hogaanka Taliska Booliska Puntland,kuwaaso qayb ka ah Tirakoobida Ciidamada Booliska Puntland.

Gudoomiyaha Degmada Galdogob Xassan Maxamed Faarax ( Ayaxle),Taliya qaybta Booliska Degmada Galdogob iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Taliyaha Booliska Puntland Jen.Erag ku so dhaweeyay Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa sheegay in kormeerkiisa Galdogob uu daaran-yahay ogaanshaha Tirada,Tayada iyo Xaalada Booliska Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug.

Sidoo kale,Taliyaha Booliska Puntland Jen.Erag ayaa Tilmaamay  in shacabku Degmeeyinku yihiin indhihii,Gacmihii iyo Laguhii ay boolisku ku howl-galaan,sidaas daraadeedna lo baahan-yahay in la xoojiyo Xiriirka Bulshada Booliska Puntland.

Dhinaca kale,Taliyaha Booliska Puntland ayaa Xusay in uu Gobaladda Bari,Sool,Nugaal iyo Qaar ka mid ah Gobalka Mudug uu ku so arkay shacab iyo boolis isku xiran,Amaan wanaagsan Askar wadaniyiin ah oo u shaqaynaya Dalkooda hooyo.

Ugu Danbaytii,kormeerkan Taliyaha Booliska Puntland uu ku tagay Maanta Degmada Galdogob iyo Deegaanda Hoostaga ayaa qayb ka ah Kormeero uu horay ugu so kala bixiyay Goballada Bari,Nugaal Sool iyo Qaar kale oo ka mid ah Gobalka Mudug,kuwaaso uu kuur-galayay Xaalada Booliska Puntland oo tiro-koobid sax ah ay ku socoto.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300