Published On: Thu, Dec 22nd, 2016

Tartanka Kubada Koleyga Gabdhaha oo dhawaan ka Furmi doono Magaalada Garoowe.


Iyadoo uu dhowaan magaalada garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal uu ka furmi doono tartan maamul Goboleedyada Dalka ayey magaalada Boosaaso soo gaareen kooxaha tartanka Kolayga uga qayb geli doona maamulada Jubbaland , Koofurgalbeed , Galmudug , Hirshabeele iyo Gobolka Banaadir.Markii ciyaartoyda hablaha ah ee ka qayb gelaya tartanka kubada koley Maamul Goboleedyada dalka ay soogaareen garoonka diyaaradha boosaaso waxaa soo dhoweyey masuuliyiin katirsan wasaarada ciyaaraha ee  Puntland , maamulka gobolka bari kan degmada boosaaso iyo shacabka magaalada.Gudoomiyaha Gobolk Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa sheegay iney ku faraxsanyihiin in hablo Soomaaliyeed oo tartank ciyaareed u yimid ay kusoo dhoweeyaan bosaso waxaana uu amaanay horumar dhanka ciyaaraha ee Soomaaliya.

Hablahan ka qayb geli doona tartanka  kubadda kolayga Soomaaliya ee Haweenka  oo ka kala socda 4maamul goboleed oo soomaaliya ah iyo gobolka banaadir ayaa gaaraya 110 gabdhood waxaaana ay dhowaan Garoowe kaga qayb geli doonaan tartanka kubada koleyga Dalkeena Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300