Published On: Thu, Dec 22nd, 2016

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo xabsi daa’in lagu xukumay


Maleeshiyaad ka tirsana kooxda al-shabaab oo maanta dacwadooda ay u fadhiisatay Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo ahaa 6 ayaa lagu xukumay Xabsi daa’in.Malweeshiyaadka maanta la xukumay ayaa waxay qeyb ka ahaayeen sida Maxkamddu sheegtay 41 Maleeshiyaad oo bishi Maarso ee sanadkaan lagu soo qabtay Deegaanada Afbarwaaqo Dintoow iyo Towfiiq ee Bariga mudug oo ay Dagaalo kula galeen Al Shabaab Maamulada Galmudug iyo Pudland.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaana sheegtay in 6 daan Nin ee maanta la xukumay ay ugu dambeeyeen 35 Nin oo ay Maxkamadu Horey u Xukuntay, laguna soo wada qabtay dagaalada ka dhacey bariga Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Warbaahinta Xukunka Maxkamada ka qaadatay ragaan U aqriyey.

“Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida waxey manta u fariisadey 6 daanin oo bishi sedexaad ee sanadkaan lagu soo qabtay dagaalo al shabaab ay bariga Mudug kula galeen Maamulada Galmudug iyo Pudland ayaga iyo 35 nino kale oo ay Maxkamadu horey u Xukuntay waxeyna Maxkamdu Ragaan ku Xukuntay 6 doodaba Xabsi Daa’in”, ayuu yii Guddoomiyuha.

Maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab oo laga Saaray Deegano Badan oo Bartamaha iyo Koonfurta Soomaalia ah oo ay ku dhibaateeyaan shacabka,waxayna Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida horey Xukuno kala Duwan ugu ridey Maleeshiyaad Lagu soo Qabto Dagaalada Dhuumaaleysiga ah iyo kuwo kalo Falal argagixiso lagu so qabtay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300