Published On: Thu, Dec 22nd, 2016

Ergadii dooran lahayd Xubnihii Aqalka Sare Ku matali lahaa Gobolada Waqooyi oo la xareynayo.


Waxaa  maanta  lagu wadaa in lagu xareeyo gudaha magaalada Muqdisho ergadii dooran lahayd  xubnihii aqalka sare ku matali lahaa Gobolada Waqoyi ee Dalka.Gudiga dooranshooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa shaaca Ka qaaday in ay maanta iyo berri  ay xareyn doonaan ergadii dooran lahayd xubnaha  Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee dalka ayagoo xusay in maalinta Sabtida ah la dooran doono ilaa 6 xubnood oo ka mid noqon doono Xildhibaanda Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Doorashada ka socoto dalka ayaa mareysa heer gabo gabo ah ayadoo la doortay dhamaan xubnihii aqalka Sare ku matali lahaa Dhamaan maamul goboleedyada dalka waxaana ka harsan oo kaliya gobolada waqooyi ee dalka oo ayagana maalinta sabtiga ah bilaaban doono.

Sidoo kale waxaa maamul Goboleedyada Dalka kasoo Gabagabobay doorashada xubnaha aqalka Hoose ku matali lahaa dhamaan maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Gobolada waqooyi oo wax yar ka harsan yihiin.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300