Published On: Tue, Dec 20th, 2016

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb-galay xuska 73-aad ee Boliiska Soomaaliyeed

 IB0A3756

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maantaka qayb galay Xuska Munaasabadda Sanadguurada 73aad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo lagu Qabtay Xarunta Dugsiga Sare ee Booliiska ee Ganaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha oo Xafladda hadal ka jeediyay ayaa ka waramay taariikhda faca wayn ee Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo doorkii Shariifka ahaa oo ay ka soo qaateen Sugidda amniga shacbiga Soomaaliyeed, Booliiska ayaa ah Saxiib daris la ah bulshada, mar walbana indhaha ku haya xaaladooda amni.

Madaxwaynaha Soomaaliya wuxuu hambalyo ku aaddan 20ka Dicember u diray dhamaam Saraakiisha Saraakiil xigeenka Aliflayda Ciidamada Booliiska iyo Xaasaskooda,wuxuuna kula dardaarmay qeybaha ciidamada Boliiska  inay sii laba laabaan  howlaha adag ee loogu adeegayo bulshada,isagoo dhanka kale ka codsaday shacbiga in ay la shaqeeyaan Boliiska

Ciidamada Booliiska ayaa la aasaasay sanadkii 1943dii, waana Ciidamada ugu faca wayn  afarta qaybood ee Ciidamada Qalabka sida oo kala ah Ciidamada Booliiska,Ciidamada Xoogga dalka, Ciidamada Asluubta iyo Ciidamada Nabad sugidda.

IB0A3976

bol1

bol3bol4bol5bol6bol7bol8bol9bol10bol11bol12bol13bol14bol17bol18bol19

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300