Published On: Tue, Dec 20th, 2016

Danjirihii Dowladda Ruushka u fadhiyay Turkiga oo la dilay

Safiirkii Dowladda Ruushka u fadhiya Dalka Turkiga , Andrei Karlov ayaa lagu dilay weerar  ka dhacay Caawa caasimadda dalka Turkiga.

Safiirka oo si xun loogu dhaawacay weerarkaas ayaa kadib loola cararay isbitaalka, halkaasi ayuuna ku geeriyooday.

Weerarkan oo uu soo qaaday qof hubeysan ayaa ku dhawaaqayay inta aysan dilin Booliska Turkiga in uu ka xunyahay dagaalka lagu hayo Magaalada Xalab ee Dalka Suuriya .

Dowladda Ruusha oo goor-dhow ka hadashay weerarka lagu dilay Safiirkeeda ayaa ku tilmaamtay Fal Argagixiso.

War-baahinta Dalka Turkiga  ayaa sheegtay in weerarka uu dhacay xilli Safiirka uu booqanyey xarun lagu qabanayey bandhig farshaxaneed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300