Published On: Mon, Dec 19th, 2016

Gabdho Somali-Canadian walaalo ah oo tooreey lagu dilay caasimadda dalkaasi ayaa dilkooda lagu soo eedeeyay wiil iyaga la dhashay.


Laba gabdhood oo walaalo ahaa oo lagu dilay caasimadda dalka Kanada ee Ottawa habeenkii jimcaha, ayaa waxa tan iyo markaas lasoo xiray dhibanayaasha ‘walaalkood oo xidhiidh la leh dhimashada.

Booliska ayaa sheegay in Nasiba A-Noor, 29, iyo Asma A-Noor, 32, meydkooda laga helay dhismaha guriga ay ka deggan yihiin magaalladda Ottawa habeenkii jimcaha, waxayna xuseen in mindi loo adeegsaday dilkooda.

Saraakiisha dambi baarista ayaa xiray gabdhaha walaalkood oo 29-sano jir ah Musab A-Noor. kaasoo wajahaya dambi ah dilka-koowaad iyo mid dilka- labaad.

Muscab ayaa la sheegay inuu madaxa ka jiranyahay islamarkaana xabsiga lagu ilaalinayo madaama laga cabsi qabo inuu isdilo.

Dambi baaraha Kevin Jacobs, oo hogaaminaya baritaanka kiiska, ayaa sheegay in booliisku uu weli ka shaqeynayo si loo ogaado sababta keentay dilka.

Sucaad Maxamed oo ay saaxiibo haaayeen Gabdhaha la dilay ayaa u sheegtay Wargeyska Ottawa Sun inay ka naxday dhacdadaasi, waxayna ku tilmaamtay inay ahaayeen dadka ugu wanaagsan ee ay abidkeeda la kulantay.

Waxay garanaysay laba gabdhood muddo 10 sano waxayna sheegtay inay marwalba la xiriiri jirtay ka dib markii ay u guurtay magaala kale oo galbeedka dalkaasi.

Waxay sheegtay in Nasiba ay bari jirtay Quraanka islamarkaana labada gabdhood ay ahaayeen ku si fiican loo yaqaanay oo ku lug leh bulshada Soomaaliyeed ee Ottawa.

Dadka Soomaalida ee ku nool magaalladda Ottawa ayaa ka argagaxay dilka gabdhahaasi.

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300