Published On: Sun, Dec 18th, 2016

IOM oo sheegtay in dad badan ay sanadkaan ku dhinteen Badda

tahriib-238x178

Hay’adda Socdaalka caalamiga ah IOM ayaa sheegtay in ay sare u kaceen dadka Qaxootiga ee doonaya in ay galaan Qaarada Yusub ee ku dhimanaya Badda Mediterranean.

IOM  ayaa sheegay in 20 kii qof ee tahriibayaal ah uu dhinto mid ka mid ah Maalinkaste.

Waxaa ay xustay in Marka la eego tirada dadka sanadkii lasoo dhaafay ku dhintay Badda iyo dadka ku dhintay Sanadkaan Badda ay yihiin kuwo si aada u kala fog , islamarkaana sanadkaan Badda Mediterranean ay ku nafwaayeen Tahriibayaal badan.

Warbixin cusub oo kasoo kasoo baxday Hay’adda IOM  Lagu sheegay in dad badan ay ku dhinteen badda ,madaam aysan helin Gargaar xilliyadii ay ku harqanayeen Badda.

Hay’adda IOM  ayaa ugu dambeyntii dalalka Caalamka ugu baaqday in ay qaadaan Tilaabooyin deg deg oo looga hortagaayo in dhalinyarada aysan ka tahriibin dalalkooda.

Hadalka kasoo baxay Hay’adda IOM  ayaa kusoo beegmaya xilli Sanadkaan sii dhamaanaya la sheegayo in uu yahay kii dadkii ugu badnaa ee Qaxooti ah ay ku dhinteen Badda.

Sanadkaan ayaa lawada ogsoon yahay in dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u badan ay qeyb ka noqdeen dadka ku dhintay Badda Mediterranean.

Hay’adda Caalamiga ah ee ayaa ku baaqaya in laga hortago tahriibka ,madaam Maalinkaste ay dhintaan dad tahriibayaal ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300