Published On: Sun, Dec 18th, 2016

AMISOM oo Mashruuc cusub ka bilowday Shabeelaha Dhexe

amisom-2-238x178

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ay degaanada maamulka Hirshabeelle in ay ka bilaabeen howlgal cusub oo lagu furayo wadooyinka ugu muhiimsan ee gobolka Shabeelaha Dhexe si loo fududeeyo howlgalada ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waddo furistaan ayaa waxaa fulinaya ciidanka dowladda Burundi ee qeybta ka ah Ciidanka AMISOM.

Taliyaha qeybta Shanaad ee ciidanka AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay in ay maamulka Hirshabeelle ay ka caawinayaan furista Waddooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa qeyb ka qaadanaya furista Wadooyinka Xafiiska Taageera Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya.

” Mashruucaan waa mid la doonayo in lagu dayactiro Wadooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana fulinaya ciidanka AMISOM, Maamulka Hirshabeelle, iyo sidoo kale xafiiska taageera Qaramada Midoobey, waxaan doonaynaa in aan fududeyno isku socodka wadooyinka Shabeelaha Dhexe” sidaas waxaa Yiri taliyaha qeybta shanaad ee ciidanka AMISOM  Venuste Nduwayo

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300