Published On: Sat, Dec 17th, 2016

Maamulka Mahadaay oo beeniyay in Al-Shabaab ay qabsadeen degmada

mahadaay-238x178

Gudoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa beeniyay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay xalay qabsadeen degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha  ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya Kontorool ay ku leeyihiin degmada Mahadaay ay soo weerareen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, islamarkaana ay iska caabiyeen.

Waxaa uu sheegay in dagaalka dhexmaray ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Al-Shabaab uu socday muddo kooban.

Axmed Xuseen Afrax ayaa sheegay in degmada aysan Shabaab la wareegeen , laakiin ay soo weerareen ayna dib ugu celiyeen goobihii ay ka soo ruqaansadeen.

Labada Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayuu xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkii xalay ka dhacay Mahadaay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay xalay weerar xoogan ay ku qaadeen degmada Mahadaay ayna dileen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ,islamarkaana ay la wareegeen muddo saacado ah gacan ku heynta degmada Mahadaay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300