Published On: Sat, Dec 17th, 2016

Dowladda Kenya oo ku fashilantay ammaanka Mandera

governor1-238x178

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay ku fashilantay la dagaalanka Ururka Al-Shabaab.

Gudoomiyaha gobolka Mandera Cali Roba ayaa sheegay in ciidanka ammaanka dowladda Kenya ay ku fashilmeen in ay ka hortagaan weerarada ay soo qadayaan Al-Shabaab ee ka dhacaya Mandera.

Gudoomiyaha ayaa xusay  tan iyo markii ciidanka dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya in Al-Shabaab ay Mandera ay kusoo qaadayeen weeraro kala duwan oo ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah.

Cali Roba ayaa Madaxda ugu sarsareysa dowladda Kenya waxaa ku eedeeyay in aysan Mas’uuliyad gaar ah aysan iska saarin suggida Ammaanka gobolka Waqooyi  Bari ee dalka Kenya.

Goobihii Waxbarashada iyo sidoo kale Caafimaadka Mandera ayaa waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay cuuryaamiyeen madaam ay beegsanayaan Macalimiinta iyo dhaqaatiirta.

Tan iyo markii ciidanka dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya sanadkii 2011 kii ay dagaalyahanada Al-Shababa waxa ay wacad ku mareen in ay weeraro kala duwan ay ku qaadayaan Dalka kenya.

Gobolka Waqooyi Bari ayaa ah Meesha ugu ammaanka xun Kenya , waxaana Al-Shabaab weeraro badan oo ay qaadeen ay ku dileen dad shacab ah iyo Askar kenyaan ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300