Published On: Sat, Dec 17th, 2016

AMISOM Maxay ka tiri Haweenaydii ay ku jiireen Muqdisho Khamiistii?

amisom-2-238x178

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war kasoo saaray  Gaari ay leeyihiin ciidankooda Khamiistii  Afaafka hore ee Hotelka Jaziira ku jiiray Qof Dumar ah.

War kasoo baxay Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in Falkaasi uu ahaa mid laga naxo ,islamarkaana dhacdadaasi ay baaritaano dheeraad ah ku sameyn doonaan dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM oo iskaashanaya.

Ciidanka AMISOM ayaa sheegay in shilkaasi uu u dhacay si kadis , islamarkaana ay raaci doonaan Sharciga Taraafida ee gobolka Banaadir.

Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira, ayaa sheegay in uu tacsi u dirayo qoyskii iyo dadkii ay ka dhimatay Haweenaydaasi , waxaana uu falkaasi uu ku tilmaamay mid Nasiiro daro ah oo loo baahan yahay in wax badan laga qabto.

Waxaa uu sheegay in ciidanka AMISOM ayaa qaadi doonaan tilaabo kaste oo lagu doonayo in wax looga qabto dhibaatooyinka ciidanka AMISOM ay gaarsiiyeen Bulshada Soomaaliyeed.

Khamiistii ayay aheyd Markii Gaari ay leeyihiin Ciidanka AMISOM uu Muqdisho ku jiiray qof dumar ah , kadibna uu iskudayay in uu Baxsado inkastoo ay gacanta ku dhigeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dhowr Jeer ayaa Ciidmada AMISOM waxaa ay jiireen Dad rayid ah oo ku sugan Magaalada Muqdisho  ee Caasimadda Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300