Published On: Fri, Dec 16th, 2016

Kulan Abaaraha looga hadlayay oo ka dhacay Baydhabo

abaaraha-fiqi

Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi oo ay wehloyaan Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa waxa uu kulan la qaatay Hay’adaha ka howlgala Koonfur Galbeed.

Labada dhinac ayaa waxa ay kulnkooda uga hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu ku sameeyeen Degaanada Koonfur Galbeed.

Kulanka oo ahaa mid albaabada uu u xirnaa ayaa markii uu soo idlaaday waxaa saxaafada uga warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi. Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Abaaraha ka jira waxa ay sababtay in dadka shacabka ah ay iskooda u istaagaan, si wax loogu qabto dadka kale ee ay Abaaraha saameeyeen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300