Published On: Fri, Dec 16th, 2016

Ilka-xanaf oo ka hadlay xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi

ilka-xanaf

Abuukaate Ceydiid Ilka-xanaf oo horey u soo noqday Gudoomiyihii Maxkamadda Sare ee Dalka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay khilaaf in uu ka taagan 11-ka xubnood ee Aqalka Sare u meteli lahaa Gobolada Waqooyi.

Ceydiid Ilka-xanaf ayaa waxa uu sheegay khilaafka in uu ka dhashay xubnaha qaar Aqalka Sare in lagu soo xulay si musuq maasuq ah, oo dano gaar ah laga leeyahay.

Sidoo kale Abuukaate Ceydiid Ilka-xanaf ayaa waxa uu sheegay isaga iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi in ay gudbiyeen dacwad arrintaasi la xiriirta. Waxa uu sheegay natiijada dacwadooda in ay ka sugayaan Hoggaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo la filyo maalmaha soo socda in ay shir ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300