Published On: Fri, Dec 16th, 2016

Arday Soomaali ah oo lagu dhaawacay Sweden

arday

Arday ay ku jiraan Soomaali ayaa waxaa lagu dhaawacay Iskuulka Bergsjon oo ku yaalla Magaalada Göteborg ee Dalka Sweden, sida ay baahiyeen warbaahinta dalkaasi.

Lix Arday oo iskuulka dhigata ayaa lagu weeraray mindi, maalinimadii shalay xilligii qadada, sida ay sheegtay maamulaha iskuulka Maria Kempe Olsson.

Dhacdadan oo ka bilaabatay iskuulka agtiisa, ayaa la sheegay in Lix Arday ah lagu dhaawacay, waxaana soo gaaray dhaawacyo fudud, waxaana Ardada ay isugu jiraan Soomaali iyo Sweden.

Maamulaha iskuulkan oo SVT la hadashay ayaa sheegtay in ay goobta yimaadeen 10 qof oo wejiyada qarsaday, sida ay sheegeen qaar ka mdid ah Ardayda.

Booliska ayaa sheegay in ay ku daba jiraan dhowr qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug leeyihiin dagaalkan, goobtana ka baxsaday.

Sidoo kale Booliska ayaa aaminsan in dadka dagaalka bilaabay ay ahaayeen Arday hore iskuulka u dhigan jirtay.

Hans Lippens oo Booliska u hadlay ayaa sheegey in aan weli la hubin inta qof ee denbigan ku lug leh, wuxuuse sheegay in ay tuhunsan yihiin 5 qof in ay ka qeyb qaateen weerarkan mindida loo adeegsaday.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300