Published On: Thu, Dec 15th, 2016

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta la filayo in la dhaariyo

xildhibaan

Magaalada Muqdisho maanta waxaa lagu wadaa in lagu qabto Munaasabad lagu dhaarinayo xildhibanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Labada Aqal ee lagu soo doortay Magaalooyinka Maamul Goboleedyada ayaa intooda waxa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho, si loo dhaariyo, loona gudoonsiiyo shahaadooyinkooda aqoonsi.

Waxaa suuragal ah in maanta Dib u dhac uu ku yimaado Xaflada, sababtoo ah Khilaafaadka jira ee ku aadan Xubnaha qaar ee kuraastooda la laalay, ayaa suuragal ah inay saameyn ku yeelato.

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran ayaa shir ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen in 15-ka Bishan oo maanta ah ay dhici doonto dhaarinta xildhibaanada Baaralaamanka 10-aad.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hada ku soo xaroonaya xildhibaanada cusub, waxaana Magaalada si xoog leh uga bilaaaban doona ololaha ku aadan Madaxtinimada Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300