Published On: Thu, Dec 15th, 2016

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis kala saxiixday

jabuuti-238x178

Wasaaradda Boostada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis wada shaqeyn ah waxa ay la saxiixatay Wasaaradda Boostada ee Jamhuuriyada Jabuuti.

Heshiiskan ayaa waxa uu noqon doonaa Soomaaliya in ay xafiis ku yeelato Wasaaradda Boostada ee Jamhuuriyada Jabuuti, xafiiskaasi oo noqon doona mid gudbiya islamarkaana ay ku soo dhacaan waxyaabaha Soomaaliya Boostadeeda ay direyso.

Kulanka heshiiskan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Baxnaan Cali Meydal oo isagu ah Agaasimaha Waaxda Boostada ee Jamhuuriyada Jabuuti, waxaana uu ka warbixiyay heshiiskan iyo faa’idada uu u leeyahay labada dal.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Agaasimaha Waaxda Boostada ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Saacid Jaamac, isagoo sheegay iskaashiga Labada Wasaaradood in uu noqon doono mid wax weyn ay ka soo bixi doonaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300