Published On: Thu, Dec 15th, 2016

Shahaadooyin la gudoonsiiyay xubno Doorashadoodii la laalay

2w-2-349x420

Magaalada Muqdisho xalay waxaa ka dhacday Xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 46 Xildhibaan oo ka mid ah Labada aqal ee Baarlamaanka, kuwaas oo lagu soo doortay Magaalada Jowhar.

Cali C/llaahi Cosoble Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa qaadacay go’aankii Guddiga xalinta khilaafaadka  ee ay ku laaleen labo ka mid ah kuraastii lagu doortay magaalada Jowhar, kaas oo Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal uu diiday inuu aqbalo natiijada doorashadii ay ku soo baxeen.

Labada xubnood ee ay Guddiga Xalinta Khilaafaadka diideen natiijadii ay ku soo baxeen ayaa waxa ay kala yihiin Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo C/casiis Saalax Carmaan oo labadaba ka mid ahaa 11-kii kursi ee ay laaleen Guddiga xalinta khilaafaadka.

Beesha Caalamka ayaa horay u qaadacday Doorashada Wasiir Nuux, waxaana ay ku tilmaameen doorasho aanay u dhicin qaab sax ah, maadaama horay Guddiga Doorashooyinka go’aan uga soo saareen oo ahaa in gebi ahaanba Tartanka laga joojiyay.

3w-2-560x420 1w-2-394x420 2w-2-349x420

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300