Published On: Thu, Dec 15th, 2016

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Abaaraha

gaas

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu ka hadlay Abaaraha ka jira Degaanada Maamulka Puntland.

C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka hadlay Abaaraha daran ee ka jira Degaanada Puntland, waxaana uu sheegay in dad ka badan 2 Malyan oo qof ay khatar ugu jiraan in ay u dhintaan Biyo la’aan baahsan iyo gaajo.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay Maamulka Puntland in uu bixiyay lacag gaareysa 1 Hal Malyan oo Dollar, taas oo loogu tala galay biyo dhaamis guud.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyay in aysan intaasi waxba ka qaban Karin xaaladda adag ee lagu jiro waqtigan, taas bedelkeedana loo baahan yahay shacabka Soomaaliyeed in ay isku naxariistaan.

Degaanada Maamulka Puntland ayaa Abaaraha ka jira waxa ay sababtay in dadka shacabka ah ay iskooda u istaagaan, si wax loogu qabto dadka kale ee ay Abaaraha saameeyeen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300