Published On: Thu, Dec 15th, 2016

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo ka hor yimid go’aanka Guddiga X.KH

khaliif-owcali-610x380-238x178

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay go’aanka Guddiga xalinta Khilaafaadka ay ku amreen in Doorashooda dib loogu laabto xubno lagu doortay Magaalada Garowe.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland Nabadoon Khaliif Aw-Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in aysan quseyn go’aanka Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay ku go’aamiyeen in dib loogu laabto xubno lagu doortay Magaalada Garowe ee caasimada Maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay warqada ay soo saareen Guddiga xalinta Khilaafaadka in aan lagu soo wargelin, hadana aysan aqoonsaneyn go’aankan.

Ugu dambeyntii Nabadoon Khaliif Aw-Cali Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay dhamaan xubnaha lagu doortay Magaalada Garowe in ay yihiin kuwo si cadaalad ah ku soo baxay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300