Published On: Thu, Dec 15th, 2016

Ciidanka Kenya oo Howlgal ka wada Mandhera

ciidan-kenya-238x178

Ciidanka Dowladda Kenya ayaa saakay howlgal ka wadda Degaano hoos yimaada Degmada Mandhera ee dalka Kenya, ka dib markii Shabaabka Isniintii ay bur buriyeen anteenooyin  Isgaarsiineed oo ku yaalay Degaano ku dhow Degmada Mandhera ee dalka Kenya.

Taliyaha qeybta Booliska Degmada Mandhera ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu baadi goobayo Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dhowaan bur buriyay anteenooyin isgaarsiineed oo shirkadda Safaricom ay ku leedahay Degaanno hoostaga Degmada Mandhera ee Gobolka NFD.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ay jiraan weeraro ku soo wajahan dalka Kenya, sidaas darteedna Dowladda looga baahan yahay in ay laba jibaarto xaqiijinta amniga, gaar ahaan goobaha ay ku yaallaan shirkadaha Isgaarsiinta.

Agaasimaha shirkadda Safaricom Mr Collymore, ayaa sheegay in wada shaqeyn adag ay la yeelan doonaan ciidamada ammaanka Kenya si dib loogu dhiso Taawaradii ay Al-shabaab bur buriyeen.

Ujeedada ka dambeysa in Al-shabaab ay bur buriyaan Anteenooyinka Isgaarsiinta ayaa waxa ay tahay mid ku aadan in la waayo xiriir isgaarsiineed oo Xogaha Shabaab laga gudbiyo, marka lagu arko Degaano hoostagga Degmada Mandhera.

Habeenimadii Isniinta ayaa Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab waxa ay bur buriyeen Taawaro ay shirkadda Isgaarasiinta Safaricom ku lahayd Degmada Mandhera ee Gobolka NFD.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300