Published On: Wed, Dec 14th, 2016

Somaliland oo kaaliyayaal Maxkamadeed ku ridday xukunno kala duwan.

download

Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex ee Maamulka Somaliland ayaa waxaa ay xukun kala duwan ku ridday lix kaaliye Maxkamadeed oo horay loogu eedeeyay in ay Magaca Guddoomiyaha Maxkamadda ku sameeyeen Facebook kuna baahiyeen qoraallo been abuur ah.

Lixda Kaaliye Maxkamadeed oo Xabsiga ku jiray 4 Bilood ayaa ugu dambeyn go’aan laga gaaray waxaana Garsooraha dacwaddaasi qaadayay uu sheegay in ay u kaashadeen qubaro dhanka Tignolojiyadda iyo internet-ka ah sidoo kalena ay raaceen xeerarka u degsan Maamulka Somaliland.

Saddex ka mid ah eedeysanayaasha ayaa lagu xukumay min 6 bilood oo Xabsi ah,kuwaas oo kala ah:

1- Cabdinuur Ibraahim Maxamed

2-Layla Siciid Aadan

3- Hana Xassan yuusuf.

Halka labo kaaliye oo kala ah Siciid Maxamuud Ibraahim

Iyo  Maxamed Rashiid Cali,xorriyadooda dib loogu celiyay,waxaana Kaaliyaha kale ee soo haray oo lagu magcaabo C/casiis Muxumed Muuse (Sahal), lagu xukumay hal sano oo Xabsi ah.

Kaaliyayaashan ayaa lagu eedeeyay toban dambi oo ay ka mid ahayd ka been abuurashada Magaca guddoomiyaha Maxkamadda,aflagaadeynta mas’uuliyiinta Maxkamadaha iyo in ay Internet-ka wax ku caayeen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300