Published On: Wed, Dec 14th, 2016

Saraakiisha Dowladda oo sheegay inay hubeynayaan shacabka Sh.dhexe si Shabaab ay ula dagaalamaan

saraakiisha

Saraakiisha Dowladda Federalka Somaliya ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa shaaca ka qaaday inay hubeynayaan dadka shacabka ah ee Gobolkaasi ku nool si ay ula dagaalamaan Ururka Al Shabaab oo muddooyinkii dambe la sheegay inay kordhiyeen cadaadiska ay ku hayaan Bulshada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabellaha dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye, ayaa sheegay dadka deegaanka inay caawinayaan si ay Shabaab ula dagaalamaan, maadaama Shabaab ay wax ku leeyihiin in la iska dhiciyo oo kaliya.

Waxa uu sheegay iyadoo xilligaan Gobolka ay ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada Al Shabaab dadka inay ku cadaadiyaan inay dhaqaalo keenaan, taasi oo aysan Bulshada awood badan u laheyn.

“Dhibaatooyin ay shacabka ku hayaan aad cadaadis u ah cadaadiskaasi oo ah xoolahoda inay ka qaataan, abaar ayaa dhacday dadkii aanan xoolo haysan lacag ayaa laga qaadayaa, dadka waan dhiiragelinaynaa rag ayaan ku dareynaa abaabul ayaan sameynaynaa si ay Shabaab isaga celiyaan.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabellaha dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye.

Sarkaalkaan ayaa intaasi wuxuu raaciyay hadalkiisa dadka xilligaan inay dareemeen Shabaab dhibaatooyinka ay ku hayaan, maadaama Shabaabka ay kordhiyeen cadaadiska Bulshada iyaga oo dhaqaale doon ah.

Khaliif Cabdi Cabdulle, ayaa soo hadal qaaday labo nin oo shacab ah oo Gobolka Shabellaha Dhexe ku dilay nin ka tirsan Al Shabaab, kadib markii dadkaasi shacabka ah Shabaab dhowr mar ay ka qaadeen qarashaad aysan awood u laheyn.

Ugu dambeyn Taliyaha wuxuu sheegay inay ka shaqeynayaan sidii dadka shacabka ah si gaadmo ah ay ugu dili lahaayeen madaxda Al Shabaab ee Shabellaha Dhexe ku sugan.

Share on Google+0Share on LinkedIn0Email this to someoneTweet about this on Twitter0Digg thisShare on Facebook0

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300