Published On: Wed, Dec 14th, 2016

Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose

dagaal-132-640x388-620x330

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xalay Dagaal Culus  oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalameyaasha Al-shabaab uu ka dhacay Tuulooyin hoosyimaada Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa Idaacada Kulmiye u sheegay in Weerar ay ku qaadeen Tuulooyin ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo Hoosyimaada Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Xarakadda Al-shabaab ayaan la ogeyn Khasaaraha uu dhaliyay.

Goobjoogeyaal ku sugan Degmada Qoryooley ayaa sheegay in Dagaalka si weyn looga maqlayay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Shabaab dhankooda weli kama hadlin Dagaalka Xalay ka dhacay Tuulooyin hoosyimada degmada Qoryooley

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300