Published On: Wed, Dec 14th, 2016

Madaxweyne Xasan: “Kursi kasta oo muran ka jiro waa lagu laabanayaa

Madaxweynaha Dolwadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in doorashada xubnaha labada aqal ee ka dhacday Xarumaha Dolwad Goboleedyada Soomaaliya ay soo dhamaatay inta badan islamarkaana ay jiraan kaliya kuraas kooban.

Madaxweynaha oo ka hadlayay kuraasta uu khilaafka ka taaganyahay ayaa sheegay in  dhamaan kuraasta lagu muransan yahay lagu laabanayo doorashadooda.

Waxaa uu sheegay in soo gudbinta kuraasta lagu muransan yahay ee lagu laabanayo doorashadooda kaliya laga dhegeysanayo Guddiga xallinta Khilaafaadka ee doorashooyinka dadban.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay dhamaan Dolwad Goboleedyada ka jira dalka eek u guuleystay dhameystirka doorashooyinka dalka,waxaana uu Xildhibaannada ku adkeeyay in 15ka Bishan oo Berri ku began ay yeeshaan kulankooda ugu horreeya.

Waxaa uu sidoo kale madaxweynaha u hambalyeeyay Guddiyada doorashada iyo Xallinta khilaafaadka oo uu ku amaanay howsha wanaagsan ee ay qabteen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300