Published On: Tue, Dec 13th, 2016

Warar ku saabsan Madaafiic xalay lagu weeraray Waajid

waajid

Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Hoobiyeyaal xalay lagu garaacay Saldhiga ciidanka dowladda Itoobiya ee degmada ee Waajid ee gobolka Bakool.

Hoobiyeyaashan oo tiradooda ay gaareyso ilaa 5 xabo ayaa Shabaabka waxa ay ku garaaceen fariisin Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin Degmadaaasi.

Gaashaan Dhexe Maxamed Xasan Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay Shabaabka in ay tiro madaafiic ah ku soo tuureen fariisin Ciidanka ay degan yihiin, sidoo kalena Ciidanka Itoobiya ay jawaab ka bixiyeen Hoobiyeyaasha la soo tuuray.

Taliye Maxamed Xasan Cali ma uusan sheegin hadii ay jiraan khasaare soo gaaray Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Waxa uu sheegay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya in ay  wadaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab, sidoo kalena Ciidanka ay u diyaar garoobeen sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada mararka qaar ka yimaada Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300