Published On: Tue, Dec 13th, 2016

Shabaab oo hanjabaad u jeediyay Maamulka Hirshabelle

al-shabaab

Ururka Al Shabaab ayaa hanjabaad waxa ay u jeediyeen Maamulka Hirshabelle ee lagu yagleelay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Sheekh Yuusuf Ciise Kabo Kutukade oo Wareysi siiyay Idaacada Al-Furqaan ee afka Al Shabaab ku hadasha ayaa wuxuu sheegay inay sii kordhinayaan dagaalada ka dhanka ah Maamulka Hirshabelle.

Waxa uu sheegay ciidamada Burundi oo ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Ceelbaraf inay xilli kasta ku qaadaan ciidanka Shabaab duulaan, islamarkaana hada ay sii kordhinayaan weerarada ka dhanka ah.

“Wilaaayada waxa ay go’aansatay inay xoojiso weerarada, si Gobalka looga saaro shisheeyaha.” Ayuu yiri Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise oo Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabellaha Dhexe.

Sarkaalkaan Shabaab ka tirsan ayaa sidoo kale sheegay dhismaha Maamulka Hirshabelle, badi dadka inaysan ka warhaynin, maadaama xilligii la dhisaayay maamulka Hirshabelle dadka diyaarado lagu geeyay Jowhar sida uu yiri.

“Dadku badankooda kama warqabaan maamulkaasi maxaa yeelay dad diyaarado lagu keenay ayaa lagu xareeyay Jowhar oo la yiri waa maamul innaga ayaa gobalka joogna iyaga xitaa kama warqabaan waxa ka socda Jowhar.”ayuu hadalkiisa ku daray Kabo kutukade.

Xoogaga Shabaab ayaa weli awood ku leh qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhexe oo ay kula dagaalamaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300