Published On: Tue, Dec 13th, 2016

Maamulka degmada Qansaxdheere oo Qeylo dhaan u diray dowladda

qansaxdheere

Wararka Naga soo gaaraya degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka jiraan abaaro sameyn kuyeeshay dadka iyo duunyada kunool degaanada hoos yimaada degmada Qansaxdheere.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Qansaxdheere Cabdulle Xasan Ibraahim Saney oo la hadlay Xafiiska Idaacadda Risaala ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in degmada ay ka jirto xaalad adag oo dhanka nolasha ah .

Gudoomiye ku xigeenka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Hay’adda Gargaarka in ay soo gargaaraan dadka ku dhibaateysan degmada Qansaxdheere ee ay saameeyeen abaaraha ka jira degmada. Qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhuftay abaaro sameyn ku yeeshay dadka iyo Duunyada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300