Published On: Tue, Dec 13th, 2016

Haweenka Imisa Kursi ayeey ka heleen Doorashadii Garowe lagu soo gaba gabeeyay

haweenka-imisa-ayee-ka-helen-kuraasta

Guddiga doorashada ee heer Puntland ayaa ka hadlay kaalinta haweenka ku leeyihiin Xildhibaannada Aqalka hoose ee lagu soo doortay magaalada Garowe.

Guddoomiyaha Guddigaasi Khaliif Aw Cali oo u waramay, ayaa sheegay sheegay in dedaal badan ay u galeen sidii lagu ilaalin lahaa qoondada Haweenka.

Waxa uu sheegay in aqalka hoose ee Puntland laga doonaayey 10 kursi inay haween ka ahaadaan, balse dadaalkooda ay ku hayaan 7 kursi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jireen beello diidanaa in kuraastooda ay haween sooyaan, dadaal kadibna ay ku qanciyeen in haweenka la keeno.

“10 kursi ayaa laga doonayey dhanka Puntland ee aqalka hoose, nasiib wanaag 7 ayaa illaa hadda haynaa, beelo badan baa diidanaa haweenka, laakiinse waxaan ku qancinay in haweenku ay xaq u leeyihiin kuraastaasi” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale Guddoomiyaha guddiga doorashada heer Puntland Khaliif Aw Cali ayaa meesha ka saaray inuu jiray faragelin lagu haayay Guddiga Doorashada Puntland.

“Maya ma jirin wax faragelin ah oo nalagu hayey, annaga ayaaba talooyin la aadi jirney, si xor ah ayuu guddiga ku shaqeeyey.”

Puntland ayaa shalay soo gabagabeysay doorashada 37 xubin ee kaga soo aadey aqalka hoose, 7 kursi waa haween halka 30-ka kalena yihiin rag.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300