Published On: Tue, Dec 13th, 2016

Ganacsiga Waqooyiga iyo Koofurta Gaalkacyo oo kala xiran

gaalkacyo-170x114

Ganacsatada magaalada Gaalkacyo ayaa ka cabanaya kala xirnaanshaha dhaq dhaqaaqii ganacsi ee labada dhinac ee magaalada, iyadoo magaalada ay ka soo kabaneyso colaadii bishii la soo dhaafay ka dacday magaalada oo heshiis laga gaaray.

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in xaalad aan horay looga baran ay ku soo korortay magaalada oo ah kala xirnaanta ganacsiga.

Isu socodkii Ganacsiga waqooyiga iyo Koofurta ayaa ah mid kala xiran, iyadoo waddooyinkii la isaga gudbi lahaa, iyo kuwii soo galayay suuqa magaalada ay ku go’an yihiin carro iyo dhufeyso horay looga sameystay.

Ganacsatada ayaa ugu baaqay maamulada ka taliya magaalada ee Puntland iyo Galmudug inay isu furaan ganacsiga, isla markaana loo turo shacabka.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in xaalada ay u muuqata sidii labo magaalo oo kale, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulada labada dhinac oo ku aadan kala xirnaanta Ganacsiga.

Inta badan shixnadaha Ganacsi ee la keeno magaalada ayaa ka yimaada magaalada Boosaaso, waxaana ganacasatada qaar ku andacoonayaan in kala xirnaanshaha.

Dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo bishii hore ayaa waxaa ku dhintay dad badan, halka kumanaan kalena ku barakaceen

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300