Published On: Tue, Dec 13th, 2016

Al-Shabaab oo burburiyay anteenooyin Isgaarsiineed

isgaarsiinta-238x178

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa dagaalyahano looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab inay bur buriyeen anteenooyin  Isgaarsiineed oo ku yaalay degaano ku dhow degmada Mandera ee dalka Kenya.

anteenooyin  ayaa la sheegay Shabaabka inay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna sidaasi ay ku bur buriyeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay Gudoomiyaha gobolka Mandera Fredrick Shisia.

Fredrick Shisia ayaa sheegay anteenooyin  la burburiyay inay la aheyd Shirkadda Safaricom, islamarkaana si aad ah degaanka looga isticmaalaayay.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Xusay in Al-Shabaab looga shakisan yahay in ay Afduubteen qaar ka mid ah shaqaalo kormeerayay xarumaha Shirkadda ee degmooyinka Ceel-Waaq iyo Sidoo kale Mandera.

” Waxaan Xaqiijinaynaa in Al-Shabaab ay burburiyeen Anteenooyin isgaarsiineed oo ay laheyd Shirkadda Safaaricom ,islamarkaana Qadka taleefanada degaanadaasi ay si weyn u xun yihiin” ayuu yiri Fredrick Shisia.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer ku eedeeysay Al-Shabaab in ay burburiyeen Anteenooyinka  ay leedahay Shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300