Published On: Mon, Dec 12th, 2016

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo baaq u diray dowladda Soomaaliya

shariif-xasan-adaan

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay darajooyin  gudoonsiiso Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee ka shaqeynaayay Doorashadii Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee lagu soo gabagabayeeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Waxaa uu sheegay in ay waxbadan ay u qabteen bulshada kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed , islamarkaana ay u shaqeeyeen si howlkarnimo leh.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Saraakiisha ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ee ka shaqeynayay ammaanka Xarunta doorashada ay mudan yihiin in la dallacsiiyo. Halka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan lagu soo gabagabeeyay Magaalada Baydhabo Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300