Published On: Mon, Dec 12th, 2016

Kenya oo War kasoo saartay in Al-Shabaab ay qabsadeen Ceel-Waaq


Dowladda Kenya ayaa beenisay in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay xalay Qabsadeen Degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo .

War kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in ay tahay wax kama jiraan wararka sheegaya in Al-Shabaab ay xalay muddo saacado ah ay gacanta ku hayeen degmada Ceel-Waaq.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidanka dowladda Kenya aysan ka bixin degmada Ceel-Waaq ,islamarkaana tiro yar oo ka tirsan Al-Shabaab ay kusoo dhawaadeen degmada .

Degmada Ceel-Waaq waxaa gacanta ku haaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka dowladda kenya ,waxaan sheegayna in ay been abuur yihiin wararka sheegaya in Al-Shabaab ay xalay qabsadeen degmada” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Kenya.

Marka laga soo tago Warka soo baxay dowladda Kenya , waxaa xaqiijiyay in Al-Shabaab Qabsadeen qeybo ka mid ah Magaalada Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Kornel Warfaa Sheekh Aadan oo ka mid ah Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isla xalay ka baxeen Ceel-Waaq ,islamarkaana hadda ay joogaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab aysan xalay si buuxda  ula wareegin degmada ,laakiin ay qabsadeen qeyb ka mid ah Magaalada .

Al-Shabaab ayaa xalay sheegtay in ay si buuxda ula wareegeen degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

Al-Shabaab ayaa horay weerar ay ku qaadeen degmada Ceel-Waaq waxa ay ku dileen Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Degmada Ceelwaaq ayaa ku taala goob muhiim ah, waxayna dhacdaa xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ay ka wadaagaan dhanka dhulka NFD.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300