Published On: Mon, Dec 12th, 2016

Dowladda Turkiga Maxay ka tiri Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho?

turkiya

War kasoo baxay Wasaarada arimaha dibada dowladda Turkiga ayaa looga hadlay Qaraxii khasaaraha badan sababay ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho , gaar ahaan Agagaarka Dekedda .

Wasaarada arimaha dibada dalka Turkiga ayaa sheegtay in ay si weyn uga xuntahay Qaraxaasi oo ay sheegtay in ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dowladda Turkiga waxaa ay xustay in ay garab taagan tahay umada Soomaaliyeed , islamarkaana ay ka caawin doonto dowladda Soomaaliya sidii uu dalku nabad u noqon lahaa.

Warka kasoo baxay Wasaarada arimaha dibada dowladda Turkiga ayaa sidoo kale looga hadlay taageerada ay dowladda Turkigu ay siiso dowladda Soomaaliya, waxaana dowladda Turkigu ay wacad ku martay in ay laba jibaari doono Taageerada ay siiso dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Xukuumada Ankara waxa ay sheegtay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya si uu dalka u noqdo mid nabdoon loogana hortago weerarada Al-Shabaab.

Hadalka kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa kusoo beegmaya Xili shalay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Dekeda Muqdisho uu ka dhacay Qarax Xoogan oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300