Published On: Mon, Dec 12th, 2016

Al-Shabaab oo ka baxay Degmada Ceel-Waaq

ceelwaaq

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo ayaa kusoo waramaya in degmadaasi ay iskaga baxeen ciidanka Al-Shabaab oo xalay la wareegay gacan ku haynta degmada Ceel-Waaq.

Kornel Warfaa Sheekh Aadan oo ka mid ah Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isla xalay ka baxeen Ceel-Waaq ,islamarkaana hadda ay joogaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab aysan xalay si buuxda  ula wareegin degmada ,laakiin ay qabsadeen qeyb ka mid ah Magaalada .

Ilo Madax banaan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay joogaan meel ku dhow degmada Ceel-Waaq.

Al-Shabaab ayaa horay weerar ay ku qaadeen degmada Ceel-Waaq waxa ay ku dileen Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Degmada Ceelwaaq ayaa ku taala goob muhiim ah, waxayna dhacdaa xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ay ka wadaagaan dhanka dhulka NFD.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300