Published On: Fri, Dec 9th, 2016

Xukuumada oo kordhineysa Miisaaniyada Ciidanka Booliska

carte-2-238x178

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte ayaa waxa uu ka hadlay Miisaaniyada 2017-ka ee Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin.

Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa amaanay Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Booliska, waxaana uu sheegay Miisaaniyada 2017-ka Ciidanka Booliska in lagu soo dari doono, ayna qaadan doonaan lacag ka dheer Mushaarkooda.

Waxa uu sheegay in lagu dadaali dooni Miisaaniyada 2017-ka sidii qeyb weyn ay uga heli lahaayeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qabta shaqo adag.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa sheegay Soomaaliya in ay heystaan culesyo fara badan oo ay ugu horeyso in ay bixiso deymihii lagu lahaa iyo arrimo kale.

Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte ka sheegay xilli uu ka qeyb galayay Kulanka Khamiislaha ah oo ay isugu yimaadaan Saraakiisha Ciidamada Booliska, kuwa Nabad sugidda, Millitariga iyo Asluubta oo lagu qabtay xarunta General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300