XOG: Madaxweynaha oo u duulay Ethiopia
Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana ay ku sii jeedaan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.
Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowladda iyo xubno kale.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gali doona shirka Madaxda IGAD oo ka dhici doona Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb gali doona Dowladaha ku mideysan Urur Goboleedka IGAD Madaxdooda, waxaana looga hadlayaa arrimo la xiriira Dalalka ku mideysan ururkan.
13-kii Bishii September ee sanadkan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Shirkii 28-aad oo ay yeeshaan Madaxda urur Goboleedka IGAD, waxaana shirkaasi uu ahaa kii u horeeyay oo lagu qabto Magaalada Muqdisho, tan iyo markii la aas aasay Ururka IGAD sanadkii 1976.