Published On: Fri, Dec 9th, 2016

Howlgallo gaar ah oo ka socda K/Galbeed


Taliyaha Ciidanka Militariga qeybta Lixdanaad ee Soomaaliya General Ibraahim Aadan Yarow ayaa waxa uu ka hadlay Howlgallada ka socda qeybo ka tirsan Gobolada Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay maalmaha soo aadan in ay qaadi doonaan Howlgallo gaar ah oo Shabaab looga saarayo Degaanaada iyo Degmooyinka ay ka joogaan Koonfur Galbeed.

General Ibraahim Aadan Yarow Taliyaha Ciidanka Militariga qeybta Lixdanaad ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo iskaashanaya maalmaha soo socda ina ay gacanta ku dhigi doonaan Degaano dhowr ah. Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM ee howlgalka ujooga Soomaaliya ayaa waxa ay gobolada dalka qaar ka wadaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300