Published On: Fri, Dec 9th, 2016

Danjiraha Soomaaliya ee Sacuudiga oo ka hadlay hakinta xoolihii Soomaaliya

daahir-geelle-238x178

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in si ku meel gaar ah loo hakiyey Xoolihii Soomaalida ee dalkaasi la geyn jiray.

Go’aanka lagu joojiyay xoolihii Soomaaliya laga dhoofin jiray ee la geyn jiray Sacuudiga ayaa waxa uu ka soo baxay Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga.

Danjiraha Dowladda Federaalka u fadhiya Dalka Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay Dowladda Sacuudiga in ay si ku meel gaar ah u joojisay xoolihii Soomaaliya, kadib markii xanuuno kala duwan lagu arkay shixnad Lo’ ah oo Dalka Sacuudiga la geeyay.

Waxa uu sheegay amarkan ka soo baxay Dowladda Sacuudiga in lagu war geliyay xuduudaha iyo farumaha ay xooluhu ka soo geli jireen.

Danjire Geelle ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Dowladda Soomaaliya in lagu war geliyay arrinkan, gaar ahaan Wasaaradda xanaanada iyo xoolaha Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli meelo badan oo Soomaaliya ah ay ka jiraan abaaro ba’an oo saamayn ku yeeshay noloshii dadka reer guuraaga ah, haddiiba tallaabadani sidaas u dhaqan gashana waxay sii adkaynaysaa xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya ka jirta, taas oo madaxda Soomaalida iyo hay’adaha Caalamiga ah ay baaqyo ka soo saareen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300