Published On: Wed, Dec 7th, 2016

Dowladda oo joojisay Heshiisyo ay la gashay Shirkaddo Caalami ah

astaanta-qaranka

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la hakiyay heshiisyo ay la gashay Shirkado ganacsi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Shirkado ganacsi oo caalami ah ay dowladda Soomaaliya ay la gashay heshiisyo Maalgashi oo kala duwan.

Waxaa uu sheegay in shirkadaha qaarkood ay dowladda Soomaaliya ay si deg deg ah u joojisay ka dib markii ay fulin waayeen waxyaabihii looga baahnaa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in hadda shirkaddo badan oo ay kula jiraan heshiisyo in ay dib u eegidoonaan.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay marwalba wax saxdo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in shirkad kaste oo  aan ka shaqeynin danaha umada Soomaaliyeed in ay joojinayso dowladda Soomaaliya.

Shirkadda Gacanta ku haysa dekeda Muqdisho ayuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in dhawaan ay dib u eegi doonaan heshiiska ay kula jiraan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300