Published On: Tue, Dec 6th, 2016

Turkiga – Awood Islaami ah

turkish-armed

Dabcan hadday go’aansadaan, ciidanka qalabka sida ee Turkiga cusub, waxay duqeyn karaan Yurubta ku dhagan ilaa Paris. Midkood kamid ah kuwa diidan aragtida Islaamiga ah ee mr. Erdogan ma awoodo inuu iska caabiyo ama ugu babac-dhigo ciidan is-hortaaga. Tayada ciidan iyo qalabeysnaantooda labadaba, Turkigu waa haldoor awood looga baqo. Balse way kugu adag tahay inaad rumeysato? Aan bal fiirino xogaha laga hayo.

Ciidanka qalabka sida ee Turkiga wuxuu tiro ahaan gaarayaa 800,000 oo ku qalabeysan in ka badan 10,000 taangiyo iyo APCs. Xoogaga difaaca hawadeedana waxay ka badan yihiin 400 oo diyaarado dagaal ah iyo 450 helicopterro casri ah. Ciidanka badda wuxuu leeyahay in ka badan 168 gaadiid-badeed dagaal ah. Ka qeyb ahaanshaha Gaashaan-buurta NATO, ciidan cirka ee Turkiga wuxuu sidoo kale maamulaa 200 oo xarumood oo lagu tarmiyo gantaalaha nuclear-ka ee Maraykanka.

Marka lala barbar-dhigo xoogga dalalka UK iyo Jarmalka, Turkigu waa awoodda sare.

Awoodsanaanta Turkiga waxay laba siba u yeelatay mico; ugu horreyn, jaarnimada ay la tahay Yurub iyo tan labaad oo ah in marxalad kasta oo lagula kaco soo-galootiga Muslimiinta ku nool Yurub iyo soo-celintoodu uu Turkiga lama huraan u yahay in lagala kaashado.

Tirada badan oo muuqata oo ah Muslimiin Jarmalka ku nool ayaa ah Turki. Lamid ma ahan Aljeeriyaanka ku nool Faransiiska, Muslimiinta Turkida ah waxaa awood iyo garabba u haya dowlad ku hubeysan qalabka ciidan oo casri ah, Turkiga. Ciidanka militariga Jarmalka meelna kama galaan tiro ahaan marka la eego kuwa Turkiga.

Turkigu wuxuu sidoo kale si diblomaasiyadeed qurux badan kusoo af-meeray mushkiladihii kala dhaxeeyey Armenia oo sheeganaysa in dagaalkii koobaad ay xasuuq kala kulantay boqortooyadii Khilaafada Cismaaniyiinta iyo Kurdiyiinta ku kacsan jiritaankeeda taas oo boosba u diiday dalalka Yurub ee deriska la ah Turkiga inay fara-geliyaan.

Marka laga soo tago tayada ciidan ee Turkiga, awoodda Islaamiga ah waxay sidoo kale kusoo koraysaa kobac dhaqaale oo xawli ah. Lamid ma ahan dalal badan oo Yurub kamid ah kuwaas oo dhaqaale-cuuryaan la diriraya, dhaqaalaha Turkiga wuxuu sanadihii danbe ku tallaabsaday sara-kac layaab leh. Shaqo la’aanta oo mar ahayd dhibaato dhaqan-dhaqaale oo heysata bulshada Turkiga, hadda waxay kusoo dhacaysaa heer la maareyn karo.

Dhabarka danbe ee kobaceeda, waxaa sidoo kale ku jira dhaq-dhaqaaqa shirkado aflaam ah kuwaas oo loogu magac-daray ‘Hollywood Islamic world’. Filimada hir-galay ayaa caadiyanba lagu qiimeeyaa tayada ay ka joogaan gudbinta aragtida sirgaxan ee Maraykanka, Israel iyo Yuhuudda – iyo sidoo kale suuradeynta dhibanayaasha qaar ee dunida Muslimka sida Falastiin.

Ku darso oo Turkigu wuxuu xiriirka uu la leeyahay dunida Muslimka ka dhigay mid cad oo dhex-dhexaad ah kaas oo dalal badan oo Muslimiin ah ay la dhaceen iskaashigiisa.

Hadaba, maxaa la gudboon Reer Galbeedka? – kow ugu horreyn waa inay isku dayaan inay Turkiga ka saaraan Gaashaan-buurta NATO iyaga oo sheeganaya dagaalkii qaboobaa iyo fikradiisiiba ay isla dhinteen iyo tan labaad oo ah inay is-garab taagaan jaarka ay coleytamaan ee Armenia oo ah dalkii ugu horreeyey ee yeesha aqlabiyad Masiixiyiin ah taariikhda lahayo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300