Published On: Tue, Dec 6th, 2016

QM oo War kasoo saartay Doorashada Soomaaliya

michael_keating-2-374x300

War kasoo baxay Xafiiska Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa looga hadlay howlaha doorashooyinka ee ka socda Soomaaliya.

Micheal Keating ayaa ka digay in doorashada Soomaaliya ay gaarto Sanadka cusub ee 2017 .

Waxaa uu sheegay in ay haboon tahay in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhacdo inta aan la gaarin sanadka 2017.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg loo xaliyo tabashada ay qabaan maamulka goboleedka Puntland oo ku aadan doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi.

Wakiilka ayaa sidoo kale sheegay in Beesha Caalamka ay ka niyad jabi doonto hadii doorashada Soomaaliya ay gaarto sanadka 2017 oo ay ka harsan yihiin maalmo.

Waxaa uu sheegay in ay haboon tahay in la yareeyo tabashooyinka ay qabaan dadka si ay u dhacdo Doorashada Soomaaliya.

Madaxda maamul goboleedyada soo dhameystiray xildhibaanada Aqalka Hoose ayuu ugu baaqay in ay si deg deg u saxiixaan , si ay u doortaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa horay ugu tilmaantay doorashada Soomaaliya mid ay hareeyeen musuqmaasuqyo aad u balaaran oo sameyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300