Published On: Mon, Dec 5th, 2016

Taliska Booliska Puntland oo amaro cusub ku soo rogay Madaxda Puntland

bolice

Taliska ciidamada Booliska Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar ku saabsan in madaxda Puntland garoonka Boosaaso aysan la geli karin hubka.

Warkaan ayaa waxaa soo saaray Taliyaha ciidamada Booliska Puntland C/qaadir Shire Faarax (Ereg) kaasi oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Boosaaso, waxaana uu sheegay Madaxda ugu sareysa Puntland mooyee cid kale inaysan hub la dhex gali karin Garoonka.

Taliyaha ayaa sheegay marka laga reebo Madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka inaysan hubka la gelin karin madax kale oo ilaalo wadata, gaar ahaan Wasiirada Puntland.

Sidoo kale,Taliyaha Booliska Puntland General Ereg ayaa sheegay in golayaasha Puntland uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gudbin-doono Wareegtadan uu ku mamnuucayay in Garoonka Madaxda Dowlada ee aanan ahayn Xubnaha sare ay la yimaadan Waardiyaal,kuwaaso uu sheegay in cabsi galin karaan dadka ka soo dagaya Garoonka Boosaso.

Garoonka Boosaaso oo muddooyinkii dambe dib u dhis lagu waday, ayaa ah hada mid shaqeynaayo oo la mid ah Garoomada ku yaalo dalka.

Tallaabadaan uu taliyaha Booliska Puntland ku dhawaaqay ayaa ah mid wanaagsan, marka loo eego dhanka ammaanka Garoonka Magaalada Boosaaso.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300