Published On: Mon, Dec 5th, 2016

Madaxweynaha oo safar jawaab u ah kii Cumar C/rashiid maanta ku tagaya Kismaayo

xasan-sheekh

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho aan horay loo sii shaacin ku tagi doona maanta oo Isniin ah magaalada Kismaayo, iyadoo socdaalka Madaxweynaha la xiriiro arrimaha doorashooyinka iyo ololaha uu mar kale ugu jiro inuu ku soo laabto kursiga Madaxtinimada.

Safarka Madaxweynaha ayaa jawaab u ah safar uu jimcihii la soo dhaafay ku tagay Kismaayo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo ah Musharaxa ay xilligan sida aadka ah ugu loolamayaan doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha la kulmi doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo ka wada hadli doono hirgelinta doorashooyinka, iyo sidii uu u saxiixi lahaa liiska Xildhibaanada labada aqal oo uu maalin ka hor shuruud ku xiray in aanu saxiixeyn, iyadoo aan la xalin tabashada Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Jubbaland, kuwaasoo Axmed Madoobe meel ku xareystay.

Axmed Madoobe ayaa la rumeysan yahay inuu taageersan yahay Cumar C/rashiid, isagoo ka mid ahaa xubnihii Imaaraadka Carabta heshiiska kula galeen in aan Madaxweyne Xasan Sheekh soo laaban mar kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu meesha ka saaro fikrada Ra’iisul wasaaraha ee ahaa in dalka is bedel u baahan yahay, waxaana uu diyaar u yahay inuu kala fur furo siriqda uu u dhigay Mr Cumar C/rashiid.

Waxaa kaloo Madaxweynuhu weydiisan doonaa in mar kale fursad loo siiyo xilka madaxtinimada, isla markaana ay taageeraan halku dhigiisa ahaa “Qabyo Ninkeeda dhameystiro”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya musharaxa 3aad ee ugu cad cad xilka Madaxweynaha ee iska xaadiriya Kismaayo, iyadoo labo maalin isku xigta ay kala tageen magaaladaas Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur oo isku isbaheysi ah.

Xildhibaanada labada Aqal ee ka imaanaya Jubbaland oo ah 51 Xildhibaan ayaa loolanka ugu adag ay ugu jiraan Musharaxiinta sidii ay codkooda u heli lahaayeen, waxaana marka laga soo tago xubnaha ka imaanaya Koofur Galbeed iyo Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ay yihiin maamulka saddexaad ee go’aamin kara natiijada doorashada Madaxweynaha, cododkaasna cida hesha inay xaqiijin karto xilka Madaxweynaha.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300