Published On: Mon, Dec 5th, 2016

Furumihii dagaalka Magaalada Gaalkacyo

3

Maamullada Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa si wadajir ah waxay u ballanqaadeen xaqiijinta amniga magaalada Gaalkacyo oo horay ugu dagaallameen ciidamo kala taabacsan Labadaasi maamul.

Guddoomiyeyaasha Puntland iyo Galmudug u kala qaabilsan Gobolka Mudug oo shalay socdaal dheer ku soo sameeyey magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan meelihii lagu dagaallamay iyaga oo wada jira ayaa waxay tilmaameen iney ka go’an tahay xaqiijinta heshiiskii la gaaray.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdirashiid Carte oo halkaasi saxaafadda kula hadlay wuxuu sheegay in ay xasiloontahay magaalada Gaalkacyo, islamarkaana waxa haray la dhameystiri doono.

Ka maamul ahaan ayuu sheegay iney diyaar u yihiin fulinta heshiiskii Gaalkacyo, iyo sidoo kale in bulshada ay noqoto mid is dhexgasha.

Xasan Maxamed Khaliif, Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland oo isna halkaasi hadal ka jeediyey wuxuu sheegay in Gaalkacyo ammaan tahay, isaga oo shacabka ugu baaqey iney kusoo laabtaan magaaladaasi.

Shacabka Gaalkacyo ayaa weli sidii loo baahnaa ugu soo laaban magaaladaasi, weli waxay ka baqayaan iney dhacaan waxyaabo buburin kara heshiisyadii la gaarey.

Halkaan hoose ka daawo sawirada

1 2 3 4 5 6 7 8 910

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300