Published On: Sat, Dec 3rd, 2016

Maxkamad ku taalla Britain oo xukun ku riday 3 nin Soomaali ah

maxkamad-374x300

Maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada Bristol ayaa waxaa lasoo taagay Saddex nin oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay danbiyo ay ka mid yihiin Gufsi ay ka galeen dalka Ingiriiska.
Raggaan ayaa lagu eedeeyay in ay fara xumeeyeen gabdho yar yar oo aan qaan gaarin ,islamarkaana ay geysteen xadgudub ka dhan ah gabdhaasi.

Saddexdaan nin ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen koox dambilayaal ah oo ka ganacsata tahriibinta gabdaha yar yarka ah iyo sidoo kale gufsiga.
Raggaan Maxkamada Magaalada Bristol la soo taagay ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Maxamed Daahir oo 24 jir ah, Cabdirashid Abdullahi oo 23-jir iyo Zakariye Sheekh oo 23-jir ah.

Garsooraha Maxkamada oo lagu magacaabo Peter Blair ayaa ku dhawaaqay xukunada lagu riday raggaasi Soomaaliyeed , waxaana uu sheegay in Sakariye Sheekh lagu xukumay 16 sano oo xabsi ah, halka Maxamed Daahir iyo Cabdirashid Abdullahi lagu xukumay min 8 sano oo xabsi ah.

Garsooraha Maxkamada ayaa sheegay in raggaasi ay dhibaato badan ay ka geysteen dalka Ingiriiska.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed oo loo haysto falal ay ka mid yihiin daroogo iibin in dhawaan Maxkamada la horkeenidoono.
Dalalka Maraykanka iyo sidoo kale Ingiriiska ayaa ah meelaha ugu badan ee lagu xukumo dhalinyarada Soomaaliyeed .

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300