Published On: Sat, Dec 3rd, 2016

DEG DEG: Ciidamo hubeysan oo la wareegay Bankiga Gaalkacyo

deg-deg-ah1Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo gadoodsan in ay la wareegeen Bankiga Magaalada Gaalkacyo oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada .

Dad goobgoogayaal ah ayaa idaacadda Risaala u sheegay in ciidamada ay yihiin ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan soo wajahday .

Qof ka mid ah dadka kunool Gaalkacyo ayaa sidaan Risaala u sheegay ” Walaal ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan ciidanka Puntland ayaa la wareegay Bankiga Magaalada Gaalkacyo , waxa uu ku yaalla Waqooyiga Magaalada, garan mayno sababta , xitaa waxa ay xireen waddii aadi jirtay Garoonka Gaalkacyo”
Garoonka Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo waramaya in maanta lagu waddo in ay kasoo degtaan Wafdi ka socda Qaramada Midoobey.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300