Published On: Sat, Dec 3rd, 2016

Al-Shabaab oo xukun ku fuliyay nin dhalinyaro ah

al-shabaab

Ururka Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe xukun ku fuliyay nin ay ku eedeeyeen in uu xaday Hanti , waxaana ay ka jareen gacanta Midig sida ay sheegeen dadka kunool degaanka Ceel-Cali ee gobolk Hiiraan.

Boqolaal ka mid ah dadka degaanka ayaa isugu baxay goobta uu ka dhacay xukunka, waxaana fulisay Maxkamada Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan sida ay qoreen warbaahinta Taageerta Al-Shabaab.

Ninka gacanta laga gooyay, ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cilmi oo 29-sano jir ah, kaasi oo sida maxkamada ay sheegtay lagu helay dambi xatooyo ah oo uu xaday dukaan ku yaala degaanka Ceel Cali.

Degaanka Ceel-Cali oo 70 Km u jira Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa gacanta ugalay bilo ka hor Al-Shabaab ka dib markii ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay ka baxeen degaanka.
Al-Shabaab ayaa inta badan xukuno kala duwan waxa ay ka fuliyaan degaanada ay gacanta ku hayaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300